Sarkaal ka tirsan taraafikada oo shil ku dhintay

0
262

Waxaa lagu soo warramayaa in sarkaal ka mid ah ciidamada kala haga gaadiidka ee taraafikada uu shil ku dhintay ka dib markii ay isku dhaceen bajaaj iyo mooto.
Shilka ayaa laga soo tabiyay deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa.
Askariga ayaa bajaajta soo qabtay wuxuuna rabay inuu geeyo saldhigga booliiska ee Likoni ka hor inta aynan mooto ku dhicin wuxuuna ku geeriyooday isla goobta.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay madaxa booliiska ee deegaan baarlamaneedka Likoni ,Timothy Muasya.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in wadihii mootada uu soo gaaray dhaawac culus oo hadda xaaladdiisa caafimaad lala tacaalaya iyadoo meydka sarkaalka la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Mombasa.