Sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada GSU-da oo la xiray

0
299

Saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Bungoma ayaa gacanta ku dhigay sarkaal horay uga mid ahaa ciidamada sida militariga u tababaran ee GSU-da.
Sidoo kale waxay dib u heleen labo qori oo laga dhacay xerada GSU-da ee degmada Kopsiro ee dowlad deegaankaasi.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in qoryahan ay yihiin nooca G3-ga.
Baaritaannada ayaa lagu ogaaday in eedeysanaha ugu muhiimsan ee lala xiriiriyay xatooyada hubka lagu magacaabo Isaac Wanzala.
Booliiska ayaa sheegay in sarkaalkan horay looga eryay waaxda GSU-da habdhaqan xumo awgeed.
Waxaa la rumeysan yahay inuu xerada ciidamada ee Kopsiro uu si dhuumaaleysi ah ku soo galay isagoo ka yimid tuulada Mabonge ee deegaanka Nambale oo ka tirsan ismaamulka Busia halkaasi oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ka hor inta uunan qoryaha la baxsan.