Sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada asluubta oo lagu xukumay 40 sano

0
448

Benson Kimathi oo horay uga mid ahaa saraakiisha waaxda asluubta wadanka ayaa lagu xukumay 40 sano oo xabsi ah.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay inuu dilay gabadh ay dhashay garsooraha maxkamadda ismaamulka Meru.
Waxaa uu ka takhalusay Maribel Kapolon oo sagaal sano jir ahayd.
Go’aanka maxkamadda waxaa soo saartay Lucy Gitari oo sheegtay in maxkamadda loo soo bandhigay caddeymo aan shaki ku jirin oo ku saabsan dilka lagu soo eedeyay Kimathi.
Falkan ayuu gaystay bishii Sagalaad ee sanadkii 2018-kii ka dib markii xiriir aan guulaysan uu dhex maray sarkaalka iyo hooyada dhashay gabadha.
Waxaa sidoo kale maxkamadda la hor keenay Francis Otundo oo loo haysto inuu wacay qoyska gabadha isagoo dalbanaya lacag madax furasho ah oo dhan 500,000 maalmo ka dib markii la waayay.
11 cisho ka dib ayaa meydkeeda laga helay keynta Gitoro ee ismaamulka Meru.
Garsoore Lucy Gitari ayaa fasaxday Otundo ka dib markii ay soo baxday in keliya uu doonayay inuu fursadda ka faa’iidaysto oo uu khiyaano qoyska balse uunan ku lug lahayn dilka gabadha.
Waxay intaasi ku dartay in muddadii uu xabsiga ku jiray ay ku filan tahay inuu cashar ka barto falkiisa.
Baaritaan qalliin ah oo lagu sameeyay meydka gabadha la dilay ayaa lagu ogaaday in marar badan madaxa laga garaacay taasoo gaarsiisay dhaawacyo culus oo ay u geeriyootay.
Eedeysanaha ay maxkamaddu ku ridday 40 sano oo xabsi ah ayaa haysta muddo 14 cisho oo uu racfaan ku qaadan karo.