James Oswago oo horay u soo noqday madaxa fulinta ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa lagu helay dembi ah in sanadkii 2013-kii uu si aan habboonayn qandaraas u bixiyay.
Qandaraaskaasi oo ku saabsanaa agabka doorashooyinka ayuu qiimihiisu ahaa 1.3 bilyan oo shilin.
Oswago iyo ku xigeenka xoghayihii guddiga IEBC ee xilligaasi Wilson Shollei ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Garsoore Felix Kombo oo ka howlgalo qaybta maxkamadda ee qaabilsan dhageysiga dacwadaha musuqmaasuqa ayaa sheegay in Oswago iyo Kiprotich aynan raacin xeerarka soo iibsashada agabka elektorooniga ee lagu aqoonsado codbixiyeyaasha.
Waxay maxkamaddu amartay in James Oswago iyo eedeysanaha kale ay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 7.5 milyan oo shilin ama la xiro muddo afar sano ah.