Sarkaal doorasho oo lagu dilay Myanmar

0
231

Waxaa lagu soo warramayaa in koox fallaago ah ay magaalada Yangon ku dishay sarkaal militariga maamulo Myanmar ay u soo xusheen arrimaha doorashada.
Sai Kyaw Thu ayaa ahaa agaasime ku xigeenka guddiga midowga doorashooyinka.
Waxaa lagu toogtay degmada Thingangyun ee bariga Yangon sida ku cad bayaanka waaxda warfaafinta ee militariga Myanmar.
Warbaahinta maxalliga ayaa ku warramaya in sarkaalka dhowr mar ay rasaas uga dhacday xabadka , qoorta iyo madaxa.
Militariga ayaa dilkan ku eedeyay xoogagga difaaca dadweynaha in kastoo aynan faahfaahin dheeraad ah bixin.