Mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in weerar ay Israa’iil gaysatay uu burbur ka soo gaaray isbitaalka Al-Shifa Hospital.
Ku xigeenka wasiirka caafimaadka ee Qaza Yousef Abu al-Rish ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in la burburiyay dhismahaasi oo ka kooban labo dabaq.
Weerarka ayaa si gaar ah u saameeyay qaybta lagula tacaalo xanuunnada wadnaha ee isbitaalkaasi.