Sarkaal caafimaad oo ka shaqanyay isbitaal ku yaala Bomet oo la xiray kadib faraxumeyn uu u gaystay haweeneey uur lahayd

0
407

Sarkaal caafimaad oo ka tirsan Xarunta Caafimaadka ee Chemaner ee ismaamulka Bomet ayaa la xiray isagoo lagu eedeeyay inuu kufsaday haweeney uur leh intii lagu jiray booqasho caafimaad ay ugu tagtay haweeneydaas.
Taliyaha Booliska ee bariga Bomet Michael Singa ayaa sheegay in tuhmanaha, oo lagu magacaabo Eric Langat, oo sidoo kale loo yaqaan Kirinyet, uu geystay dambiga foosha xun isagoo u adeegaya haweeneyda .
Sida laga soo xigtay warbixinta booliiska, dhibbanaha ayaa la maqlay iyadoo qaylinaysa oo codsanaya caawimaad, taasoo soo jiidatay shaqaalaha iyo bukaanada goobta ku sugneed.
Waxaa la sheegay inay sarkaalka caafimaadka ku arkeen xaalad halis ah, ka dibna uu baxsaday .
Ka dib warbixin ka soo baxday Saldhigga Booliska ee Chemaner, saraakiisha amniga ayaa sameeyay baaritaan waxayna si guul leh u qabteen tuhmanaha xili uu dhuumanayay.