Waxaa xalay fiidkii la xiray sarkaal booliis ah oo ku eedeysan inuu xaaskiisa ku toogtay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Askariga dilka gaystay ayaa lagu magacaabaa Maxwell Maina.
Saraakiisha dambi baarista oo goobta tagay ayaa sheegay in Mercy Chebet ay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray xawadka oo uu ninkeeda labo mar ka toogtay.
Falka uu ku kacay ayaa loo aaneynaya muran dhanka qoyska ah oo lamaanaha ka dhexeeyay muddo.