Sarkaal booliis ah oo saaxibkiisa ku dilay ismaamulka Laikipia

0
364

Sarkaal booliis ah oo ka tirsan Saldhigga Booliska ee Salama Galbeedka Laikipia ayaa mindi ku dilay saaxiibkiis, wuxuuna dhaawacay sarkaal kale oo isaga ka sarreeyay .
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay fiidnimadii xalay.
Dable Victor Chesang’ Mengich, oo 42 jir ah, ayaa shaqada ku jiray markii la sheegay inuu weeraray Dable Abel Kivoto Kimanzi oo ka tirsan Booliska ka dib markii ay isku dhaceen .
Askariga dilay saaxibkiisa ayaa mindi caloosha kaga dhuftay taasi oo keentay in uu dhiig bax ugu geeriyoodo.
Saraakiisha Saldhigga Booliska ee Nyahururu ayaa loo yeeray si ay u baaraan goobta uu ka dhacay falka ka hor inta aysan meydka u qaadin Isbitaalka Katooliga ee Pope Benedict XVI si loo ilaaliyo loona baaro meydka.