Sarkaal booliis ah oo loo maxkamadeeyay dhac awood loo adeegsaday

0
194

Waxaa maxkamadda Makindu ee ismaamulka Makueni la soo taagay sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Dennis Wafula Wanabisi.
Waxaa uu ka howlgalaa qaybta dambi baarista ee deegaanka Kibwezi.
Askariga ayaa lala xiriiriyay fal dhac ah oo awood loo adeegsaday kaasi oo 22-kii bishii Toddobaad ee sanadkii 2024-kii laga soo tabiyay Mtito Andei .
Waxaa eedeysanaha gacanta ku soo dhigay dambi baarayaasha qaybta dembiyada culus oo kaashanayay saraakiisha waaxda dambi baarista ee deegaanka Ruiru.
22-kii July ee sanadkii hore ayay ahayd markii koox ka kooban afar xubnood oo hubeysnaa ay gudaha u gashay goobta lagu caweeyo ee 021 CLUB iyagoo howlwadeennada iyo macaamiisha ku qasbay in ay wareejiyaan waxyaabaha ay haystaan.
Waxaa dhaawac culus oo dhanka caloosha ah la gaarsiiyay mid ka mid ah shaqaalaha goobtaasi .
DCI ayaa intaasi ku dartay in burcadda ay xaruntaasi ka dhacday 50,000 oo shilin oo lacag caddaan ah.
Sidoo kale burcadda ayaa xarunta ganacsiga ee Darajani ka dhacay 25,850 oo shilin iyo labo taleefoon oo kuwa gacanta ah.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in Wanabisi uu xiriir la leeyahay ama uu hayo xog ku saabsan falalkaasi dhaca ah.
Maxkamadda Makindu ayaa saraakiisha ammaanka siisay muddo 14 cishe ah oo ay baaritaannada ku soo gabagabeynayaan iyadoo uu tuhmanaha xabsiga ku sii jiraya.