Sarkaal booliis ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Moyale

0
404

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal sarkaal oo ka tirsan booliiska dalka iyadoo labo kalena ay soo gaareen dhaawacyo culus ka dib weerar laga gaystay aagga Sessi ee magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in falkan ay ka dambeeyeen dableey aan tiradoodu la cayimin oo aad u hubeysnaa.
Weerarka ayaa lala eegtay bar-kontorool waxaana hadda lagu daba jiraa kooxdii weerarka soo qaadday.
Sidoo kale waxaa uu dhaawac culus soo gaaray haweeney 45 sano jir oo shacab ah.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Marsabit Leonard Kimaiyo ayaa xaqiijiyay weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.
Waxaa uu xusay in weerarka ay gaysteen koox adeegsanayay mooto oo ku hubeysnaa bambooyin iyo qoryo.
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Moyale oo uu ku geeriyooday askariga oo laga daaweynayay dhaawacyo.
Kimaiyo ayaa warbaahinta u sheegay in goobta uu weerarka ka dhacay lagu arkay labo bambo oo aan qarxin waxaana markii dambe qarxiyay ciidamada difaaca dalka ee (KDF) oo sidoo kale dhacdadan ka falcelinayay.
Taliyaha ayaa shacabka Moyale ugu baaqay in ay is dejiyaan oo ay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo heli lahaa macluumaadka fududeyn karo in la soo xiro dambiilayaasha waxaana hadda socdo baaritaano dheeraad ah.