Sarkaal booliis ah oo kiis uga guulaystay taliyaha booliiska iyo xeer ilaaliyaha qaranka

0
374

Sarkaal ka tirsan booliiska dalka oo lagu magacaabo Isaac Kirimi Kariuki ayaa ku guulaystay kiis ka dhan ahaa guddiga adeegga qaran ee booliiska, xeer ilaaliyaha guud iyo waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da.
Waxaa uu sheegay in dhinacyadan ay ku qaldameen go’aan looga wareejiyay ismaamulka Nairobi oo lagu geeyay deegaanka Lokitang ee ismaamulka Turkana.
Askarigan oo ka soo hormuuqday maxkamadda shaqada iyo xiriirka shaqaalaha ayaa sheegay inuu daryeelo canuggiisa oo 7 sano jir oo naafo ah .
Garsoore Byram Ongaya ayaa amar ku bixiyay in xeer ilaaliyaha guud ee dalka Dorcas Oduor, guddiga adeegga qaran ee booliiska iyo waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay soo diyariyaan nidaamka lagu maareeyo xuquuqda iyo wareejinta saraakiisha booliiska ee ay ku tiirsan yihiin dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Kirimi ayaa ku dooday in wiilkiisa uu si joogto ah u tago xarunta caafimaadka ee carruurta ee mid ka mid ah isbitaallada ugu sarreeya ee Nairobi, sidaas darteed wareejintiisa ay taasi saameyn ku yeelan doonto.
Sarkaalka ayaa maxkamadda u sheegay in wiilkiisa uu dhigto dugsi gaar ah oo ku yaalla Nairobi, sidaas awgeedna in loo wareejiyay Lokitang ee ismaamulka Turkana ay saameyn ku yeellan doonto waxbarashadiisa.
Si kastaba ha ahaatee, xeer ilaaliyaha guud ee dalka, guddiga adeegga qaran ee booliiska iyo waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo is difaacayay ayaa ku jawaabay inaysan jirin ujeeddo qarsoon oo sarkaalka loogu wareejiyay Turkana.
Waxaa ay maxkamadda ku wargeliyeen in markii meel kale loo wareejinayay lagu saleeyay xeer-hoosaadka booliiska oo qeexaya in sarkaal kasta loo wareejiyo qaybaha dalka marka laga reebo taliyaha guud ee booliiska, ku xigeenkiisa iyo agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da.
Guddiga adeegga qaran ee booliiska iyo waaxda DCI-da ayaa xusay in wareejinta Kirimi ay timid ka dib cabasho laga soo gudbiyay oo uu si sharci darro ah lacag uga qaatay qof rayid ah.