Sarkaal booliis ah oo isku dilay Kirinyaga

0
284

Mid ka mid ah ciidanka booliiska saldhigga deegaanka Gichugu ee ismaamulka Kirinyaga ayaa lagu soo warramayaa inuu is dilay xalay sida ay sheegtay madaxa laanta dambi baarista ee DCI-da ee deegaankaasi ,Millicent Ochuka.
Sarkaalkan oo 35 sano jir ahaa ayaa isku daldalay gurigii uu kirada ku deggana waxaana ay saaxibbadisa sheegen inuu faraxsanaa shalay ka hor inta uunan is dilin.
Ochuka ayaa sidoo kale xaqiijisay in sarkaalka la siiyay fasax jimcihi si uu u aado reerkiisa.
Meydka sarkaalka is dilay ayaa la dhigay qaybta maydadka ee xarunta Kibugi si ehelkiisa loogu wargeliyo.