Maamulka u qaabilsan Tamarta iyo Batroolka dalka ee (EPRA) ayaa ku dhawaaqday isbeddello cusub oo ku yimid qiimaha batroolka laga bilaabo 15 bishan Juun illaa 14, bisha July 2025.
Sicirka cusub, qiimaha Super petrol-ka ayaa kor u kacay Ksh.2.69 litirkii, halka naaftada ay hoos ugu dhacday Ksh 1.95 iyo kerosene oo iyaduna hoos ugu dhacday Ksh 2.06.
Tani waxay ka dhigan tahay, gudaha Nairobi, litirkii Super Petrol, Diesel iyo Kerosene ayaa hadda tafaariiqda lagu kala iibsan doona Kshs.177.32, Ksh.162.91 iyo Ksh.146.93 sida ay u kala horeeyaan.
Mombasa, qiimaha wuxuu noqon doonaa Ksh.161.74, Ksh.147.34 iyo Ksh.131.37 ee super petrol, naaftada iyo kerosene, siday u kala horreeyaan.