Waxaa lagu soo warramayaa in ku xigeenka madaxa madaxtooyada ee dowladda Ukraine Kyrylo Tymoshenko uu is casilay, sida ku cad nuqul online ah oo digreeto ah oo ay saxiixeen madaxweyne Zelenskyy iyo Tymoshenko.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in midkoodna uusan sheegin sababta keentay is casilaada mas’uulkan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca ee Ukraine Viacheslav Shapovalov ayaa sidoo kale is casilay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Waxaa uu xusay in is casilaadiisa ay timid ka dib markii la soo tabiyay fadeexad la xiriirta iibsashada cuntada ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Ukraine Oleksiy Symonenko ayaa sidoo kale shaqada ka tagay.