Dhammaan shanta saraakiil ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC oo ay wehliyaan guddoomiyahooda iyo ku xigeenkiisa ayaa markii ugu horreysay si wada jir ah hal meel ka soo wada muuqday tan iyo markii 15-kii bishan lagu dhawaaqay natiijadii doorashada madaxtinimo.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati, ku xigeenkiisa Juliana Cherera oo ay weheliyaan saraakiisha kala ah Justus Nyang’aya, Irene Masit, Prof. Cabdi Guuliye, Boya Molu iyo Francis Wanderi ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi musharrixintii doorashooyinkooda dib lo dhigay.
Toddobada saraakiil ayaa marki ugu dambaysay wada joogay 15-kii bishan ka hor 6-dii maqribnimo ee maalinkaasi inta uusan natiijada xilka madaxtinino ku dhawaaqin Chebukati.
15-kii bishan ayay ahayd markii guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Juliana Cherera iyadoo ay saddex saraakiil sare oo kale ay weheliyaan ay walaac ka muujisay marxaladda ugu dambeysa ee geeddisocodka doorasho.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen huteelka Sarena ayaa saraakiishan sheegeen inaysan qaadan karin lahaanshaha natiijada madaxtinimo ee uu shaaciyay guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati.