Saraakiisha amniga ee ka howlgalo xarumaha sare ee tacliinta oo la turxaan bixin doono

0
137

Waxaa uu qorshuhu yahay in turxaan bixin lagu sameeyo saraakiisha qaabilsan xaqiijinta amniga xarumaha sare ee waxbarashada.
Sidoo kale ilaaladan ayaa loo sameyn doonaa tababarro dheeraad ah iyo in la siiyo leesimo ay ku shaqeynayaan.
Waxaa amarradan soo saaray maamulka qaabilsan maareynta shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegyada amniga.
Tani ayaa timid ka dib markii ay dhawaan kordheen dhacooyinka ardayda lagu dhex dilo jaamacadaha iyo machadyada.
Agaasimaha guud ee maamulka maareynta shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegyada amniga, Fazul Maxamad ayaa sheegay in xaruntii aan amarradan u hoggaansamin ay muteysanaysa ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo shilin
Fazul ayaa arrintan ka sheegay dugsiga dowladda ee KSG xilli uu kulan la qaatay madaxda amniga ee xarumaha sare ee waxbarashada ee dalka.