Saraakiisha ammaanka ee Samburu iyo Galbeedka Pokot oo hub qabtay

0
404

Ciidamada ammaanka ee ka howlgalo ismaamullada Samburu iyo Galbeedka Pokot ayaa gacanta ku dhigay afar qori oo sharci darro ah iyo 15 neef oo geel ah oo la soo dhacay.
Tani ayaa qayb ka ah howlgalka amni ee ka socdo Waqooyiga Rift Valley ee lagu cirib tiraya falal dambiyeedyada.
Hubka sharci darrada ah ee la helay waxaa bayaan ku xaqiijiyey adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Booliiska ayaa intaasi ku daray in geela ay soo celiyeen laga soo dhacay dhul-daaqsimeedka Sulubei.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoolaha lagu wareejiyay milkiilayaasha.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bulshada uga mahadceliyay sida ay saraakiisha amniga ula shaqeynayaan.
Sidoo kale cid kasta oo haysata hub sharci darro ah ayaa laga dalbaday inay si degdeg ah ugu wareejiso laamaha ammaanka.
Waxaa howlgalka amni ee waqooyiga Rift Valley hoggaaminaya ciidamada booliiska oo garab ka helaya militariga.