Saraakiisha ammaanka ee Iiraan oo kala eryay dibadbaxayaal

0
268

Waxaa lagu soo warramayaa in saraakiisha ammaanka ee dalka Iiraan ay kala eryeen dad isugu soo baxay mudaaharaad ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dil sanad ka hor loo gaystay haweeney 22 sano jir ahayd oo xabsi ku dhex geeriyootay oo lagu magacaabi jiray Mahsa Amini.
Kooxaha u ololeeya xuquuqul aadanaha ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay xireen aabaha Mahsa Amini oo ay qoyskeeda ka hor istaageen inay ka qayb qaataan xuska sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay geeridii gabadhooda.
Dibadbaxyadii ka dhashay geeridii gabadhan ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 500 oo qof oo ay ka mid yihiin 71 carruur ah.
Waxaa ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale halka kumanaan kalena la xiray sida ay sheegeen ururrada xuquuqul insaanka.
Dowladda Iiraan ayaa dhanka kale ilaa toddobo qof u dishay kacdoonka ka dhashay geeridii Mahsa Amini.