Saraakiil loo xiray qashinkii lagu daadiyay xarrunta korontada ee Stima Plaza

0
491

Labo sarkaal oo ka tirsan maamulka Nairobi ayaa dacwad lagu soo oogay, halka saddex kalena loo xiray inay hagayeen daadinta qashinkii lagu soo tuuray albaabka Stima Plaza, oo ah xarunta dhexe ee korontada Kenya, iyadoo uu jiro muran ka dhashay lacago aan la bixin.
Barasaabka ismaamulka Nairobi Jhonson Sakaja ayaa maanta oo isniin ah ka soo hor muuqday guddiga u qaabilsan waaxda maamulka iyo amniga qaranka.
Waxaa uu shaaca ka qaaday barasaabka in ku simaha kaaliyaha agaasimaha maamulka deymaha James Sankale iyo ku simaha agaasimaha maamulka dakhliga caasimada dalka ee John Ntoiti ay mas’uul ka ahaayeen waxyaabihii dhacay.
Shirkadda bixisa adeegyada Korontada ee Kenya Power iyo maamulka Nairobi ayaa xurguftooda meel sare ah gaartay .
Mr Sakaja, ayaa u xaqiijiyay Guddida in tallaabo sax ah la qaaday.