Saraakiil boolis oo lagu shaqaaleysiiyay shahaadooyin faalis ah oo la xiray

0
628

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay 10 ka mid ah ciidamada booliska wadanka.
Saraakiishan ayaa ka mid ahaa ciidamadii la shaqaaleysiiyay bishii Saddexaad ee sanadkan.
Hasa ahaate waxaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii dabagal dheeraad ah oo la sameeyay lagu ogaaday inay adeegsadeen shahaadooyin waxbarasho oo been abuur ah.
Tallaabada lagu xiray ayaa timid iyagoo weli tababar ku qaadanaya dugsiga Kiganjo.
DCI ayaa intaasi ku dartay in golaha imtixaannada qaran ee KNEC uu cadeeyay in eedeysanayaasha ay isbeddel ku sameyeen buundooyinkii ay ka heleen imtixaanka KCSE-da si ay ugu suurtagasho in la howlgeliyo.
Shahaadooyinka faaliska ah ayaa qayb ka noqonaya caddeymaha ka dhanka ah tuhmanayaasha oo lagu wado in maxkamadda la soo taago.