Sanduuqa Hustler Fund oo loo qoondeeyay 10 bilyan oo shilin

0
337

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa sanduuqa dhaqaale ee ay lacagaha amaahda ah ka qaataan ganacsatada yaryar ee Hustler Fund u qoondeysay 10 bilyan oo shilin.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Prof.Njuguna Ndungu ayaa sheegay in lacagtan ay kaalin wayn ka qaadan doonto horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.
Njuguna ayaa sidoo kale codsaday in baarlamaanka uu 300 oo milyan u qoondeeyo ganacsiyada SMEs gaar ahaan kuwa dhismaha , in sanduuqa lagu taageero ganacsiyada haweenka la siiyo 182.8 milyan iyo in da’yarta loo qoondeeyo 175 milyan oo shilin.
1-dii bishan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto daahfuray wajiga labaad ee amaahda Hustler Fund oo ay ka faa’iidaysanayaan ururrada maalgashiga.