Baaritaan ay sameysay Wasaaradda Difaaca ee dalka (MOD) ayaa lagu soo gabagabeeyay sababtii ka dambasay shilkii diyaaradeed oo uu ku nafwaayay Taliyihii Ciidamada Difaaca Kenya Jeneral Francis Ogolla iyo sagaal askari oo kale 18-kii bishii Abriil, ee sanadkii 2024.
Shilkaas diyaaradeed ayaa lagu ogaaday in ay sababtay cillad matoor ah.
Waxaa baaritaankan iska kaashaday Guddiga farsamada ee Wasaaradda difaaca iyo baarayaal ka tirsan waaxda duulista hawada ee Ciidanka Cirka Kenya.
Diyaarada uu la socday taliyhii geeriyooday iyo ciidamadii kale ee ku dhintay ayaa sida ku xusan baaritaanada soo wajahday cilad farsamo oo dhanka matoorka ah wax yar ka dib markii ay ka soo kacday degmada Chesogon ee ismaamulka West Pokot xuddudna la leh dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet.
Duuliyaasha diyaaradaas oo ahayd Helikobtar ayaa isku dayay in ay si nabadd ah u dajiyaan balse waxaa ay lumiyeen xakameynteeda ama kontrolka diyaaradda.
Waxaa hoos u dhac ku yimid korontada matoorka taasi oo keentay in diyaaradda ay dhulka ku soo dhacdo sido kalena uu dab ka kaco.
Wasaaradda arrimaha difaaca ee dalka waxay qiimayn ku samaysay dhammaan hawshii kooxdii ka soo ambabaxday garoonka Wilson ee Kainuk, degmada Chesogon, ka hor intii aanay tagin Dugsiga Tababarka Ciidanka Difaaca ee Eldoret, waxaana ay sheegeen in shaqaaluhu ay sameeyeen hubintii loo baahnaa ka hor intii aanay bilaabin duulimaadka diyarradda shilka gashay.
Madaxweyanah dalka William Ruto ayaa galabta sheegay in wasaaradda difaaca uu ka guddoomay warbixinta ku saabsan ciladdii keentay shilka diyaaradeed ay ku dhinteen ciidamada.