Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa la filayay in la caleemo saaro Isniinta maanta ah iyadoo qadka internetku wali xiran yahay ka dib dibadbaxyo rabshado wata oo dalkaas ka dhacay.
Mucaaradka Tanzania waxaa ay sheegeen in boqolaal qof ay dileen ciidamada amniga.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in Samiha Suluhu Hassan ay ku guuleystay 98 boqolkiiba codadka.
Laakiin xisbiga mucaaradka ugu weyn, Chadema, oo laga mamnuucay inuu tartamo, ayaa diiday natiijooyinka waxayna ku baaqeen doorashooyin cusub, iyagoo ku tilmaamay codkii Arbacadii hore “wax aan jirin”.
Telefishinka dowladda Tanzania ayaa sheegay in dadweynuhu aysan ka soo qayb geli doonin caleema saarka, kaas oo lagu qaban doono Aqalka Dowladda ee caasimadda Dodoma.




