DHEGEYSO:Samia Suluhu Hassan oo ku guulaysatay xilka madaxtinimada dalka Tanzania

0
228

Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay doorashadii madaxtinimada ee muranka dhalisay iyadoo ku dhawaad 98 boqolkiiba codadka la dhiibtay ku soo baxday, ka dib markii la sheegay in musharaxiinta ugu cadcad laga reebay tartanka codeynta.
Natiijada kama dambaysta ah ee guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen subaxnimadii sabtida maanta ah ayaa muujisay in Samia Xasan ay ku guuleystay 97.66 boqolkiiba codadkii la dhiibtay Arbacadii, iyadoo ku guuleystay dhammaan goobaha codbixinta.
Tan ayaa keentay in dalka Tanzania ay ka dhacaan qalalaase ay dad badan ku dhinteen taasi oo sababtay doorashada aysan ku qancin shacabka Tz.
Guddoomiyaha INEC, Jacobs Mwambegele, ayaa sheegay in Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay oo ay heshay 31,913,866 codod oo ka mid ah 32,678,844 codod oo la dhiibtay.
Natiijooyinkan ay ku dhawaaqday INEC waxay siinayaan Suluhu awood buuxda oo ay ku maamusho muddo shan sano ah.
Suluhu waxay talada qabatay sanadkii 2021 ka dib geeridii Madaxweyne John Pombe Magufuli.