9 eedeysanayaal oo loo haysto inay 62 milyan ka dhaceen KPA oo damaanad lagu siidaayay

0
174

Waxaa maanta maxkamad ku taalla ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ka soo hormuuqatay ilaa sagaal sarkaal oo ka tirsan maamulka maareeya dekadaha dalka ee KPA.
Saraakiishan ayaa wajahaya eedeymo la xiriira lunsashada lacag dhan 62 milyan oo shillin.
Waxaa eedeysanayaasha dhawaan gacanta ku dhigay saraakiil ka tirsan guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC oo uu fadhigoodu yahay magaalada Mombasa.
Waxaa eedeysanayaasha lagu kala magacaaba Yobesh Oyaro oo ahaa madaxii hore ee soo iibinta iyo agabka ee maamulka KPA, David Angwenyi, Norah Mugambi, Athanase Wambari iyo David Arika oo dhammaantood xubin ka ah guddiga qiimaynta ee maamulka maareeya dekadaha dalka ee KPA.
Saraakiisha kale ayaa kala ah Robert Bosuben, Azenath Kwamboka Mageto, Rose Cherotich iyo Idd Arube Nanyang.
Eedeysanayaasha ayaa iska fogeeyay dhamaan eedeymihii loo soo jeediyay ee musuqmaasuqa oo gaarayay 6 waxayna codsadeen in ay maxkamaddu ku siidayso damaanad ay awoodaan bixinteeda.
Waaxda dacwad oogidda oo ay matalayeen qareennada kala ah Alex Gituma iyo Yassir Maxamad ayaan diidin in tuhmanayaasha damaanad lagu siidaayo.
Garsoore sare Alex Ithuku, ayaa eedeysanayaasha kala ah Bosuben, Cherotich, Nanyang iyo Mageto ku siidaayay min 500,000 oo damaanad lacageed ah halka Oyaro, Angwenyi, Mugambi iyo Wambari lagu siidaayay min 100,000 oo damaanad lacageed ah.
Garsooraha ayaa sidoo kale u yeeray David Arika, oo xubin ka ahaa guddiga qiimeynta qandaraasyada ee maamulka KPA oo howlgab noqday.
Waxaa lagu amray inuu maxkamadda ka soo hormuuqdo 7-da bisha Labaad ee sanadkan.