Safiirka Sacuudiga ee Yemen oo ka hadlay ujeedka wada hadallada lala yeelanaya Xuutiyiinta

0
247

Safiirka boqortooyada Sacuudi Carabiya ee dalka Yemen Maxamad al jaber ayaa sheegay in wada hadal dhawaan lala sameeyay kooxda Xuutiyiinta ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Sancaa looga gol-lahaa soo afjaridda colaadda ka taagan dalkaasi.
Xabad joojin lagu dhawaaqay sanad ka hor ayaa la sheegay in si weyn ay hoos ugu dhigtay dagaallada gudaha wadanka Yemen islamarkaana si wayn loo tixgelinaya inkastoo muddada xabad joojinta ay ku ekayd bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay inuu taageeraya geeddisocodka isdhaafsiga maxaabiista iyo in siyaabaha wada hadalka ee Yemen ay noqdaan kuwo furan si loo gaaro xal siyaasadeed oo waara.
Sidoo kale waxaa uu safiirku sheegay in Sacuudi Carabiya ay weligeedba Yemen garab taagnayd xilliyada adag ee siyaasadeed iyo dhaqaale.
Dhanka kale afhayeenka qaramada midoobay Stephane Dujarric ayaa wada xaajoodyada lala yeelanaya kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.