Safiirka dowladda Netherlands ku matalo dalkani Kenya ,Maarten Brouwer iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa booqasho ku tagay ismaamulka Galbeedka Pokot.
Kenya iyo Netherlands ayaa waxaa ka dhexeya iskaashi wanaagsan oo ah dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga sida uu danjiraha sheegay.
Brouwer oo sidoo kale dowladda Netherlands u qaabilsan waddamada Somalia iyo Seychelles ayaa barasaabka ismaamulka West Pokot,Simon Kachapin kala hadlay sida ay uga wada shaqeyn karaan arrimaha caafimaadka, biyaha, la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada , deegaanka iyo amniga.




