Safiirka Maraykanka oo muran dhaliyay ka dib markii uu sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay qayb weyn oo Bariga Dhexe ah

0
173

Dowladaha Carabta iyo Muslimiinta ayaa Sabtidii si xooggan uga jawaabay hadallo uu jeediyay Safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee kaasoo sheegay in Israa’iil xaq u leedahay qayb weyn oo Bariga Dhexe ka mid ah.
Huckabee ayaa hadalladan ku sheegay wareysi uu siiyay wariyaha madaxa bannaan ee Tucker Carlson. Carlson ayaa sheegay in sida ku cad Baybalka, Israa’iiliyiinta ay heli doonaan dhul ay maanta ku jirto guud ahaan Bariga Dhexe, isagoo weydiiyay Huckabee inay Israa’iil xaq u leedahay dhulkaas. Huckabee ayaa ku jawaabay inay ficnaan leheed in dhulka Bariga Dhexe dhammaan ay Israa’iil qaadato.
Hadalladan ayaa waxaa si dhaqso ah uga jawaabay dalalka deriska ah sida Masar iyo Urdun, Sacuudiga, Kuwait, Cumaan, Ururka Iskaashiga Islaamiga iyo Ururka Dalalka Carabta.