Safiirka Koonfur Afrika oo meydkiisa laga helay banaanka hotelka Paris

0
423

Danjiriha Koonfur Afrika u fadhiyo Faransiiska, horayna u soo noqday wasiir muddo dheer soo shaqeynayay, ayaa meydkiisa laga helay bannaanka hoteelka uu ka degganaa magaalada Paris sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.
Xafiiska dacwad oogaha Paris ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in Nkosinathi Emmanuel Nathi Mthethwa, oo 58 sano jir ah, oo loo yaqaan Nathi Mthethwa, uu qol ka ijaartay dabaqa 22-aad ee hoteelka.
Waayitaanka safiirka ayaa waxaa Isniintii soo tabisay xaaskiisa, oo sheegtay in ay fariin walaaca leh ka heshay isaga fiidkii Axadda.
Mthethwa ayaa waxaa uu soo noqday wasiirka fanka iyo dhaqanka ee Koonfur Afrika 2014 ilaa 2019, ka dibna ciyaaraha, fanka iyo dhaqanka ilaa 2023, sida lagu sheegay website-ka safaaradda.
Waxaa uu sidoo kale ahaa wasiirka booliiska 2009 ilaa 2014 iyo wasiirka amniga 2008 ilaa 2009.
Intii u dhaxaysay 2007 iyo 2022, waxaa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga African National Congress (ANC), xisbiga talada haya tan iyo doorashadii ugu horaysay ee dimuqraadiga ah ee 1994-kii.
Waxaa uu la shaqeeyay garabka militari ee ANC xilligii midab takoorka, waxaana si gaar ah loo xiray xilligii xaaladda degdegga ah ee 1989-kii.