Safiirka Itoobiya ee Kenya oo dalbaday in la soo helo muwaadin maqan saddex bilood

0
483

Safiirka Itoobiya u fadhiya dalkani Kenya Ambasadoor Meles Alem ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay gacan ka gaysato sidii loo heli lahaa ganacsade Samson Teklemichael oo la sheegay in la waayay saddex bilood ka hor.
Ganacsadaha oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa 19-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore rag aan la aqoonsan ay ka qafaasheen xaafadda Kileleshwa ee caasimadda wadanka ee Nairobi.
Danjiraha Itoobiya u fadhiya Kenya Meles Alem oo wareysi siiyay teleefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in safaaradda ay la xiriirtay mas’uuliyiinta dalka taasoo ku saabsan in ganacsadaha ilaa iyo hadda wali la la’yahay.
Muuqaal ay dhacdadaasi ka duubeen dad goobjoogayaal ah ayaa muujinaya in rag aan la aqoonsan oo ku labisan dhar rayid ah ay istaajiyeen gaariga uu watay ganacsadaha oo marayay waddada Kileleshwa ee Nairobi, xilli uu goobtaasi ku sugnaa askari boolis ah oo ka tirsan qaybta ilaallada waddooyinka ee taraafikada.
Safiirka Itoobiya ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid laga naxo, iyadoo xilligii afduubka la gaysanayay ay goob joog ahaayeen dadweynaha iyo ciidamada taraafikada.
Waxaa uu walaac ka muujiyay in baaritaanada lagu baadigoobaya ganacsade Samson Teklemichael ay gaabis yihiin, isagoo xusay in qoyska Teklemichael iyo dowladda Itoobiya ay ka walwalsan yihiin maqnaanshaa muwaadin u dhashay dalkooda.
“Saddexdii bilood ee la soo dhaafay qoyskiisa, carruurtiisa murug ayay ku jiraan, si la mid ah bulsho weynta Itoobiya, waxaan dooneyna inaan ogaano halka uu ku sugan yahay ganacsade Samson Teklemichael “ ayuu yiri danjiraha Itoobiya ee Kenya