Safiirka Ingiriiska ee Kenya oo dalka ka tagi doono dhammaadka bishan

0
468

Waxaa gabogabo ah muddo xileedka danjiraha boqortooyada Ingiriiska ku matalo dalkani Kenya Ambasadoor Neil Wigan.
Waxaa uu shaaciyay inuu waddanka ka ambabixi doono dhammaadka bishan Sideedaad ee August maadaama uu labo sano ahaa danjire.
Safaaradda Ingiriiska ee Kenya ayaa sheegtay in Wigan uu noqon doono agaasimaha guud ee istaraatiijiyadda iyo fidinta adeegyada ee xafiiska arrimaha dibadda , barwaaqa-sooranka iyo horumarka ee (FCDO) oo ku yaalla magaalada London.
Wigan ayaa laga soo xigtay inuu xoojiyay xiriirka Kenya iyo UK taasi oo ay shacabka labada dhinac ka wada faa’iidaysteen.
Waxaa uu xusay in tan iyo markii uu dalka yimid sanadkii 2023-kii , in iskaashiga laba geesoodka ah uu sare u kacay oo uu waddanka booqasho ku yimid boqor Charles-ka saddexaad.
Sidoo kale , ciidamada badda ee UK ayaa tababaray kuwa Kenya waxaana lagu heshiiyay hirgelinta kaabayaal muhiim ah oo uu ka mid yahay marinka tareennada ee Nairobi.
Safaaradda Ingiriiska ayaa sheegtay in bilooyinka nagu soo aaddan ay shaacin doonto qofka beddelaya Ambasadoor Neil Wigan oo xafiiska banneynaya waxaana safaaradda sii hoggaamin doono ku xigeenkiisa Dr. Ed Barnett.