Waxaa kulan wada qaatay safiiradda dowladda Maraykanka ku matasho Kenya Ambasadoor Megan Whitman iyo wasiiradda ganacsiga ee dalka Rebecca Miano.
Whitman ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la sii ballaariyo iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeya labada waddan si loo kobciyo dhaqaalaha.
Miano ayaa xustay in Kenya iyo Maraykanka ay ka wada shaqeeyaan arrimaha maalgashiga sidaasi awgeedna lagu dadaalaya sidii iskaashigan sare loogu qaadi lahaa si looga faa’iidaysto fursadaha jira.
Ambasadoor Whitman ayaa dhankeeda sheegtay in Kenya ay leedahay korontada laga dhaliyo tamarta la cusbooneysiin karo oo ah boqolkiiba 90.