Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegtay in macaamiisheeda aynan laga billaabo Isniinta u suurtageli doonin inay lacago u diraan qof aan iska diiwaangelin nidaamka M-Pesa.
Hasa ahaate waxay shirkaddu bayaan ku sheegtay in macaamiisha leh akoonnada la diiwaangeliyay ay lacago u diri karaan sidoo kalena looga soo xawili karo shirkadaha kale sida Airtel and T-Kash.
Safaricom ayaa cid kasta oo aan iska diiwaangelin nidaamka M-pesa ku borrisay inay is diiwaangeliso si aynan xannibaadda u saameyn.
Si uu qofku sidan u sameeyo waxaa uu tagi karaa xarumaha shirkadda Safaricom ama wakillada M-Pesa isagoo sita aqoonsigiisa qaran.