Safaricom oo shaacisay faa’iidadeeda lacageed

0
204

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa shaaca ka qaadday in muddo 6 bilood oo ku ekeyd 30-kii bishii Sagalaad ee sanadkan ay dhaqaale ahaan faa’iidday 42.8 bilyan oo shilin.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 52.1.
War saxaafadeed ay soo saartay shirkadda ayay ku sheegtay in tani ay muujinaysa adkeysiga iyo kobaca ay ka sameynaysa gudaha dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Qiimaha kororka macaashka shirkadda Safaricom qaybteeda Kenya ayaa noqday boqolkiiba 22.6% halka gudaha Itoobiya uu gaaray boqolkiiba 20.1.
Madaxa fulinta ee Safaricom Peter Ndegwa ayaa xusay in arrintan ay tahay natiijo wayn oo caddeynaysa sida ay uga go’an tahay dhaqangelinta istaraatiijiyadooda.
Waxaa uu intaasi ku daray in muddo 25 sano ah ay hal-abuur iyo awoodsiin bulsho ku wanaajinayeen nolosha kenyaanka.