Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah loo aqoonsaday shirkadda loo shaqeeyo ee ugu sarreysa qaaradda Afrika.
Waxaa aqoonsigan bixiyay machadka shirkadaha ugu sarreeya ee loo shaqeeyo ee Top Employers Institute.
Tani ayaa ku soo beegmaysa bilooyin un ka dib markii uu wargeyska Forbes u aqoonsaday Safaricom shirkadda saddexaad ee ugu sarreysa ee dadka shaqaaleysiisa ee Afrika.
Waxaa Safaricom lagu amaanay xeerarkeeda shaqaaleysiinta iyo la dhaqanka bulshada.




