Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in laga billaabo 10-ka habeenimo ee caawa ilaa 5-ta arroonimo ee berri ay dib u habeyn ku sameyn doonto nidaamyada adeegyadeeda.
Waxay hoosta ka xarriiqday in muddadan gudaheeda ay saameyn ku imaan karta adeegyada ay ka midka yihiin M-Pesa, iibsashada kaarka , daatada iyo qaadashada daymaha .
Shirkadda ayaa macaamiisheeda ka raalli gelisay culeys kasta oo arrinkan ka dhasha .