Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa beenisay eedeymo loo jeediyay oo ahaa in xogta kenyaanka macaamiisha u ah ay la wadaagto dowladda.
Waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ahaa in ay dowladda garab ku siinaysa la tacaalidda dibadbaxayaasha.
Bayaanka shirkadda waxaa ku cad in xeerarkeeda ay ka mid tahay ilaalinta macluumaadka khaaska ah ee macaamiisha.
Waxay intaasi ku dartay in keliya macluumaadkan la bixin karo haddii uu jiro amar maxkamadeed oo ku qasbaya shirkadda.
Safaricom ayaa intaasi ku dartay in ilaa iyo hadda aynan maxkamadda amar siin sidaasi awgeedna waxyaabaha lagu eedeynaya ee dhanka bixinta macluumaadka kenyaanka ay yihiin kuwo aan xaqiiqada ku saleysnayn.