Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan oo ciidamo hubeysan bililiqaysteen

0
373

Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan ayaa sheegaya in Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi inay gudaha u galeen ciidamo hubeysan oo bililiqo ka gaystay.
Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Suudaan ayaa baahiyay in ciidamada hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan oo ka kooban saddex dabaq, islamarkaana ciidanka hubeysan ay qaateen dhammaan qalabkii dhexyaalay xarunta Safaaradda.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan Maxamad Sheekh Isxaaq oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dad daris la ah safaaradda ay u xaqiijiyeen warka la xariira in ciidamo hubeysan ay galeen dhismaha Safaaradda ayna bililiqeysteen qalabkii dhexyaalay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Suudaan.
“Waxaa naloo sheegay inay jabiyeen albaabka hore iyo kan dambe ee safaaradda, sidoo kalena ay galeen dabaqii hoose oo ay ku yaalleen xafiisyo iyo maktabad yar, laakiin aysan la kulmin wax ay qaataan” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamad Sheekh Isxaaq.
Danjire Maxamad Sheekh Isxaaq ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay meesha ka waayeen waxyaabahii ay doonayeen oo ka mid ahaa sida uu sheegay Danjiraha lacag, dahab iyo qalab kale oo muhiim ah.
“Waxay kaliya qaateen gaari safaaradda horteeda ku baakinnaa oo ay dad kale lahaayeen, Ma aysan gelin qaybtii kore oo xafiiskeyga ah” ayuu intaas raaciyay Danjire Maxamad Sheekh Isxaaq.
Goobta ay ku taala Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Khartuum waxaa ku yaalla Safaarado ay ka mid yihiin kuwa dalalka Kenya, Jabuuti, Zimbabwe, Algeria, Libya iyo Eritrea, waana meel u dhow garoonka la isku haysto ee dagaalka uu ka socday.
“Waan cambaareynaa in xarun xasaanadeeda leh la weerarro, qofkii u bareero waa qof ku soo xadgudbay, waana mid khaanuunka baal marsan in la galo laguna xadgudbo” ayuu yiri danjire Maxamad Sheekh Isxaaq.