Safaaradda Maraykanka oo ka digtay dibadbax qorshaysan oo ka dhici doona agagaarka Gigiri

0
445

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa ka digtay dibadbax qorshaysan oo ka dhici doona agagaarka xaruuntooda ee magaalada caasimada, iyada oo ku wargelisay muwaadiniinta deggan gudaha dalka inay taxaddar muujiyaan.
Ogeysiiska la soo saaray Talaadadii shalay ayaa tilmaamay in dibadbaxan uu ka dhici doono agagaarka safaaradda ee xaafadda Gigiri Arbacada maanta ah waxaana la sheegay inuu ka jawaabayo tallaabadii militari ee Maraykanka ka qaaday Venezuela, taasoo soo jiidatay indhaha caalamka iyo dhaleeceyn ballaaran.
Dibadbaxan ayaa lagu wargeliyay inuu ka dhacayo meel u dhow xaruunta safaaradda, iyadoo warbixinno hore ay sheegeen in kooxo sida Xisbiga The Communist Party of Kenya (CPK) iyo Kenya Left Alliance ay ugu baaqeen dhallinyarada inay muujiyaan taageero ay u hayaan dadka rer Venezuela.
Biloowgii bishan Janaayo, howlgalkii militari ee Maraykanka ka fuliyay Venezuela ayaa sababay in Madaxweynaha dalkaas, Nicolas Maduro, la qabto.