Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo nabad ku baaqday

0
245

Safaaradda dowladda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa bayaan ay soo saartay waxay xisbiyada siyaasadeed ugu baaqday inay qaab nabad ah ku xalliyaan arrimaha ay tabanayaan ee la xiriira doorashadii guud ee wadanka ka dhacday.
Bayaanka waxaa ku cad in madaxda siyaasadeed lagu boorrinayo inay taageerayaashooda ka codsadaan ilaalinta nabadda oo aynan rabshado kicin.
Waxay safaaraddu intaasi ku dartay inay dadweynaha kenyaanka ah , saraakiisha ammaanka , siyaasiyiinta , ururrada bulshada iyo maamullada doorashada ku bogaadinayso inay si nabad ah uga qayb qaateen doorashadii guud ee Talaadadii hore.
Maraykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono taageerada iyo iskaashiga kala dhexeya dowladda Kenya ee dhanka amniga, caafimaadka , dhaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqul aadanaha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qayb ka mid ah dalka sida Kisumu galinkii dambe ee shalay ilaa xalay ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo natiijada madaxtinnimo ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati .
William Ruto ayaa loo doortay hoggaanka ugu sarreeya ee dalka ka dib markii uu helay codad gaaraya 7, 176, 141 halka Raila Odinga oo ku soo xigay dhanka codadka uu soo hooyay 6,942,930.
Waxaa sidoo kale degganaansho iyo ka shaqeynta xasiloonida guud ku baaqday waaxda qaran ee adeegga booliska.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa kenyaanka uga mahadceliyay inay si nabad ah codkooda ku dhiibteen.