Safaaradda Jarmalka ee Nairobi oo cambaareysay fal lagu cunsuriyeeyay Afrikaanka ka cararaya duullaanka Ruushku ee Ukraine

0
461

Safaaradda dowladda Jarmalka ee magaalada Nairobi ayaa cambaareysay warbixinnada sheegaya in la cunsuriyeeyay Afrikaanka ka cararaya duullaanka Ruushku uu ku hayo dalka Ukraine.
Waxay safaaraddu bayaan ku xustay inay jiraan dad Afrikaan oo ka soo tagay dalkaasi oo gaaray Jarmalka iyagoo hadda caawimaad helaya.
Bayaanka waxaa ku cad in Jarmalku uunan fududeysanayn warbixinnada takoorka tilmaamaya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkani Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in 78 qof oo Kenyan ah oo ku sugnaa dalka Ukraine loo daadgureeyay dalalka deriska la ah wadankaasi, iyadoo mid ka mid ah uu si nabad ah uu wadanka dib ugu laabtay.
Bayaan ay soo saartay wasaaradda ayay ku sheegtay in 74 qof ay u gudbeen dalka Poland, halka laba ay ku sugan yihiin Romania, iyadoo laba kalena ay u baxsadeen wadanka Hungary.
Dowladda Kenya ayaa intaasi ku dartay inay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub si aan xaddidaad lahayn u qaabilaan Kenyaanka Ukraine ka soo qaxay.