Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegtay in hadda ka dib safaaradaha Kenya ee caalamka ay u madax bannaan yihiin inay si toos ah ula macaamilaan wasaaradaha iyo waaxyaha kala duwan ee dowladda.
Waxaa uu horay nidaamku ahaa inay soo maraan wasaaradda arrimaha dibadda.
Hasa ahaate wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee dalka Dr.Alfred Mutua ayaa xusay in nidaamkii hore isbeddel lagu sameeyay.
Safaaradaha ayaa laga doonaya inay wasaaradda arrimaha dibadda warbixin u gudbiyaan saddex cisho gudahooda ka dib marka ay mas’uuliyiinta kulamo la yeeshaan saraakiisha wasaaradaha kale.
Mutua ayaa intaasi ku daray in haddii kulanka ay ka qayb galayaan mas’uuliyiinta wax ka badan hal wasaarad in loo baahan yahay in lagu wargeliyo xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka.
As CS for Foreign and Diaspora affairs, I have been bothered by many pending MOUs & lost opportunities due to traditional & mostly elitist based bureaucracy. After talks with the diplomatic community, I have issued the following notice for Chap Chap interactions. Mbele iko Sawa. pic.twitter.com/36AmOKBF0o
— Dr. Alfred N. Mutua (@DrAlfredMutua) March 2, 2023




