Saddex qof oo xalay lagu dilay Qaza

0
344

Weerarro ay ciidamada Israa’iil xalay ka fuliyeen Qaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay saddex ruux.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay in ka badan 10 qof oo kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarradaasi lagu burburiyay ilaa labo guri iyo teendhooyin hooy u ahaa dad barakacayaal ah oo ku yaallay magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha Israa’iil ee Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 39,677 qof iyadoo la dhaawacay 91,645 kale.