Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ka dib howlgal laga fuliyey ismaamulka Kirinyaga la soo xiray saddex ruux oo dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka Nigeria.
Howlgalka oo ahaa mid si wayn la isugu dubariday ayaa laga sameeyay xaafadda Mwaliko Estate ee magaalada Mwea.
Waxaa shakhsiyaadkan lala xiriirinaya khiyaano dhanka intarneetka ah.
Tuhmaneyaasha ayaa lagu kala magacaabaa Peter Chukwujekwu, Alazor Chukulute iyo Nnalue Chiagozie Samwel.
Ciidamada ayaa soo qabtay ka dib markii dadweynaha ay sheegeen in ay ka shakiyeen dhaqdhaqaaqooda iyo waxyaabo xilli dambe oo habeenkii ah ay ku dhex sameynayeen guri ay kireysteen.
Saraakiisha dambi baarista ayaa howlgalka ku soo helay 21 ah taleefoonnada gacanta, 79 ah leemanka la gashado taleefoonnada,kombiyuutar iyo kaararka bangiyo kala duwan.
Shakhsiyaadkan ayaa ku andacoonaya in ay ku howlan yihiin ganacsi online ah.
Hasa ahaate , baaritaannada la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ay gudaha Kenya ku joogaan si sharci darro ah oo dokumeentigii ay dalka ku soo galeen uu mar hore dhacay sidoo kalena aynan haysan oggolaansho shaqo.
Eedeysaneyaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda loo gubin.




