Ciidamada dambi baarista ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay saddex tuhmane oo la rumaysan yahay inay ka danbeeyeen abaabulka koox tuugo ah oo dhaca xoolaha kuwaas oo inta badan bartilmaansanayay beeralayda Embu iyo Kirinyaga.
Sida laga soo xigtay Waaxda dambi baarista ee (DCI), tuhmanayaasha oo kala ah Alex Mwangi iyo Anthony Macharia, ayaa laga soo qabtay dowlad deegaanka Embu, halka Mercy Nyaguthi Njiru lagu qabtay magaalada Kerugoya ee ismaamulka Kirinyaga.
Howlgalka ayaa ka billowday Embu, halkaasoo ay ciidamada ku qabteen gaari Toyota Sienta ah oo la sheegay in xilliyada habeenkii lagu rari jiray xoolaha la soo xado.
Baaritaanka oo gaaray magaalada Kerugoya ayaa lagu soo xiray Mercy Nyaguthi Njiru, oo lagu eedeeyay in ay qaadanaysay xoolaha la dhacay.
DCI-da ayaa waxaa ay xaqiijisay in dhammaan saddexda eedeeysane ay xabsiga ku jiraan iyadoo baaritaannada ay socdaan.