Saddex qof oo ku dhimatay guri ku gubtay Kiambaa

0
337

Waxaa lagu soo warramayaa inay deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu ku dhinteen saddex qof oo isku qoys ah.
Tani ayaa timid ka dib markii xalay uu dab ka kacay guri ay deegganaayeen.
Waxaa uu sidoo kale dhaawac culus gaaray aabaha qoyskaasi iyo gabadhiisa oo 7 sano jir ah taasoo ugu dambeyn geeriyootay.
Dadka dhacdadan ku nafwaayay ayaa isugu jiro hooyo iyo labo canug oo ay dhashay.