Saddex kamid ah degmooyinka Somaliland oo Maamul Cusub loo doortay

0
388

Golayaasha degaanka ee degmooyinka, Hargeysa, Bali-gubadle iyo Babileey ee Soomaaliland ayaa Maanta waxay doorteen Guddoomiyeyaasha degmooyinkaas iyo kuxigeenadooda.
Golaha degaanka Magalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland ayaa duqa degmada waxay u doortttn Cabdikariim Axmed Mooge halka ku-xigeenkiisana loo doortay Khadar Axmed Nuur.
Duqa degmada Bali-gubadle ayaa waxaa loo doortay Shiine Cabdi Hayaan, halka duqa degmada Gabileey loo doortay Masuul lagu Magacaabo Maxamed Aamin.
Dhamaan mas’uuliyiinta Maanta loo doortay saddex kamid ah degmoyika Soomaaliland ayaa waxaay xilalkaas heyn doonan Shanta Sano ee soo socota.
Duqa Cusub ee Degmada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in doorashadaan ay aheyd mid tariikhi ah oo dadka Reer Hargeysa mideysay, isagoo golaha degaanka Hargeysa ku amaanay inay waqti geliyeen in si mideysan ay doorashadu uga dhacdo Magaalada Hargeysa.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalooyinka kale ee Soomaliland ay ka dhacaan doorashooinka Golayaasha Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Masuuliyiinta degmada Hargeysa ee Maanta la doortay ka tirsan yihiin xisbiyada Mucaaridka Somaliland, halka mas’uuliyiintii hore ay ka tirsanaayeen xisbiga taladaSoomaaliland haya ee Kulmiye.