Sacuudiga oo soo afjaray daadgureyn uu ka waday Suudaan

0
284

Wakaalladda wararka ee Sacuudiga ayaa ku warrameysa in dowladda boqortooyada Sacuudi Carabiya ay soo gabagabeysay howlaha daadgureynta gudaha dalka Suudaan.
Tiro gaareysa 8,455 oo qof ayay dowladda dalkaasi ka saartay gudaha Suudaan.
Sacuudiga ayaa sheegay in 404 qof oo dadkan ka mid ah ay yihiin muwaadiniinta u dhashay wadankaasi, halka 8,051 ruux ay ka soo kala jeedaan 110 waddan oo kale.
Boqortooyada ayaa sidoo kale sheegtay in 11,184 qof oo aan muwaadiniinteeda ahayn ay ka dejisay Sacuudiga ka hor inta aysan u sii gudbin waddamada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa uga mahadcelisay dowladda Suudaan sida ay isaga kaashadeen fududeynta daadgureynta.
Waxaa ay sidoo kale u mahadcelisay dhammaan dalalkii dabagalka ku sameeyay arrimaha muwaadiniintooda laga soo daadgureeyay Suudaan, islamarkaana iska kaashaday dhameystirka hannaanka ay dib ugu laabanayaan dalalkooda.
Daadgureynta dadkan ayaa waxaa gacan sare ka gaystay boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis iyo dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan, iyaga oo ka jaawabay codsiyo boqortooyada uga yimid dalal badan.