Sacuudiga oo faah faahin ka bixiyay weerarkii lagu qaaday dekedda Mukalla ee Yemen

0
814

Sacuudi Carabiya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay duqeyntii isbahaysiga uu ka geystay dekedda Mukalla ee Yemen, taasoo xiisad ka dhex abuurtay iyaga iyo Imaaraadka Carabta, isla markaana keentay in Imaaraadka Carabta uu sheego inay ciidamadooda kala baxayaan Yemen.
Afhayeenka isbahaysiga Major-General Turki al-Maliki ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya hawlgalkii milatari ee la fuliyay subaxnimadii hore ee Talaadadii.
Imaaraadka Carabta ayaana sheegtay in ay isaga bixi doonto dalka Yemen saacadaha nagu soo aadan.